Hot Topics

Putin Oo markii Afraad loo dhaarinayo hogaaminta Madaxtooyada Ruushka

Vladimir Putin ayaa markii afraad loo dhaariyay madaxweynenimada Ruushka, ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii u dambaysay ee dhacday bishii Maarso.
 
Awoodda ayuu soo hayay 18 sano isagoo marna madaxweyne ahaa marna ra’iisulwasaare, dadka dhaliishanna waxay ku tilmaameen boqor.
 
Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa wadooyinka la dhigay si ay u xakameeyaan dadka ka soo horjeeda xukunkiisa oo isugu soo baxay magaalada caasimadda ah ee Moscow iyo kuwo kale Sabtidii.
 
Waxaa laga cabsi qabaa in ay dagenaansho la’aan dhacdo Isniinta marka uu xilka la wareego.
 
Waxaa la filayaa in Putin uu la kulmo dad mutadawiciin ah oo ka qaybqaatay ol’olihiisa doorashada.
 
Maxay dadku u mudaaharaadayaan?
In kabadan 1,000 ruux ayaa lagu xiray 19 magaalo oo Ruushka ku yaalla Sabtidii, ku dhawaad kala bar dadkaas ka mid ahna waxaa laga qabqabtay magaalada Moscow.
 
Putin ayaa ku guulaystay 76% codadkii la dhiibtay, waanana guushii ugu waynayd ee uu doorasho ka gaaro, laakiin korjoogtadii caalamiga ahayd ayaa sheegtay in ay dhacday wax isdabomarin badan. Doorashooyinkii hore ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wax isdabomarin badan dhaceen.