Baarlamaanka Fadaraalka Oo maanta ansixiyay xeerkii shalay ay isku raaceen G.Wasiirada

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay  Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, xeerkaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerkaas oo sanadihii dambe mugdi gelinayay ka mid ahaanshaha Midowga Baarlamaanada Afrika, Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Baarlamaanka ka hor akhriyay natiijada ayaa sheegay in si deg deg ah loo hor geyn doono shrcigaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.