Hot Topics

Puntland:-Daawo khilaafkii Dekeda Bosaso ka taagnaa oo xal laga gaaray

Waxaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaarda Ganacsiga ee Puntland ee magaalada Boosaso Sido kalena ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada ee Puntland Cabdiqaadir Siciid caarshe Dhaqaaje, iyo Masuuliyiin Kale ayaa lagu soo Bandhigay is afgarad laga gaaray Arintaasi.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho Guran) Ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin Xalka laga gaaray Khilaafkii dhawaan ka dhashay Canshuur kordhintii ay sameysay Waaxda Tayo Baarista, wuxuuna Balanqaaday iney dhinacooda ka soo bixi doonaan Wixii lagu heshiiyay

Hay’adda Tayo Baarista ee Puntland (Quality Control) oo ah Shirkad Gaar loo leeyahay ayaa maamusho Dhamaan badeecadaha Dalka ka soo daga, waxeyna Wada shaqeeyaan inta Badan Wasaaradaha Dowladda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka