Hot Topics

Maxaa kala socotaa qorshaha Itoobiya iyo Dekedaha Bariga Africa?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo toddobaadkii u dambeeyay socdaaladiisa dibadda ee u horeeyay ku tagay wadamada Djibouti, Sudan iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay dekeddo ay dawladdiisu doonayso inay saamiyo ku yeelato kuna munaafacaadaan malaayiinka dadkiisa.
 
Itoobiya waxay hore hore 19% ugu yeelatay maalgashiga dekedda Berbera. Sidoo kale dekedaha Djibouti ayuu iyagana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka codsaday madaxweynaha Djibouti in Itoobiya saami ku yeelato, taas oo ay Djiboutina aqbashay.
 
Sidoo kale dalka Suudaan oo uu booqday ayuu kula soo heshiiyay in dalkiisu saami ku yeesho dekeddaha Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay codsiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
 
Toddobaadkana Abiy Ahmed wuxuu booqasho ku tagay dalka Kenya waxaanay madaxweynaha Kenya Mr. Uhurru Kenyata isla garteen in la casriyeeyo oo la horumariyo dekedda Lamu ee Kenya.
 
Weli si rasmi ah looma garanayo saamiyada ay Itoobiya ku yeelatay dekedaha gobalka marka laga reebo Berbera oo la baahiyay, waxaana socda wada hadalo ay guddiyo Itoobiyaan ahi kula jiraan wadamadan. Waxase si cad loo garan karaa in Itoobiya doonayso inay ciyaarto qorshe ka duwan qorsheyaashii hore ee ay dekedo gaar ah ku koobnaan dirty.