Hot Topics

Ra’isalwsaaarihii laga adkaaday Ee Malaysiya Oo laga mamnuucay in uu dalka ka baxo

Laanta socdaalka Dalka Malaysia ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucay in uu dalka uga boxo Ra’isalwasaaraha laga adkaaday ee Najiib Razaaq.
 
Najiib ayaa looga adkaaday doorashadii dhacday Arbacadii la soo dhaafay waxaana xilka ku guuleystay Ra’isalwasaarihii hore Mahatiir Maxamed.
 
Najiib Razaaq ayaa saaka soo sabti ah bartiisa Facebook ku qoray in isaga iyo xubno ka mid ah Qoyskiisa ay dibadda u dalxiis tagayaan maaddaama doorashada looga adkaaday.
 
Waxyar kaddib waxaa soo baxday wareegto ka soo baxday laanta socdaalka Malaysia oo lagu sheegayo in isaga iyo qoyskiisa aanay dalka ka dhoofi karin
 
War kale oo uu Facebook-ggiisa ku soo qoray ayuu ku sheegay in uu aqbalay wargelinta uga timid laanta socdaalka,waxaana uu intaas ku daray in uu dalka baaqi ku ahaanayo.
 
Dowladda Najiib Razaaq ayaa lagu dhaliilay musuq maasuq badan,waxaana ka mid ah lacag ka badan $4 Biylan oo doollarka Mareykanka ah oo ay dowladda Sucuudiga ku yaboohday Malaysia in uu lunsaday.
 
Faxeedaddaas waxa ay ka mid ahayd waxyaabaha saameynta ku yeeshay cod bixinta doorashadii dhacday inkasta oo uu iska fogeeyay in uu qalad sameeyay.