Hot Topics

Qarax xoog leh oo ka dhacay Buule-mareer Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose.
 
Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Suuq ku yaalla gudaha magaaladaasi.
 
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku naf waayay 7-qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen maleeshiyo beeleed hoostaga dowlada Fadaraalka Soomaaliya.
 
Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Suuq Qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla degmada Wanla-weyn ee gobolkaasi.