Hot Topics

Muqdisho oo la filayo in uu beri ka furmo shirweynaha dastuurka Fadaraalka ah

Muqdisho waxaa ka furmaya shirweyne loogu magacdaray dib u eegista Dastuurka fadaraalka ah.
 
Shirkan waxaa kasoo qaybgalaya ergo ka kala imaanaysa dalka iyo dibadiisa kuwaasoo lagu sheegay khubaro ka tala bixin doonta habka dib u eegista dastuurka Kmg ah ee fadaraalka.
 
Dowlada Jubaland ayaa Shirkan si cad uqaadacday ka qaybgalkiisa.
 
Puntland ayaa iyadu ka qaybgalaysa shirka,waxaana ku sugan Xamar wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baralamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi kaasoo ka kooban xildhibaano iyo Wasiiro.
 
Xogaha hoose ee laga helayo shirka ayaa sheegaya in muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay ku qaybsashada dhaqaale loogu talagalay socod siinta dib u eegista dastuurka fadaraalka ah.
 
In badan waxaa lays waydiinayaa sababta ay Puntland uga qaybgalayso shir aysan cadayn qorshihiisu,isla markaana khatar ku ah barnaamijka dib u eegista dastuurka,iyadoo maalin ka hor uu Madaxweyne Gaas si faahfaahsan uga hadlay dastuurka fadaraalka iyo nidaamka fadaraalisimka ah.
 
Madaxweyne Gaas waxuu si adag u dhaliilay habka loo wado dib u eegista dastuurka,sidoo kale waxuu naqdiyay dadka diidan fadaraalisimka markalena waxuu ku celiyay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin dowlad maqaabkeedu ka yar yahay fadaraal.
 
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Puntland sababta ay waftiga ugu dirtay shirka Muqdisho ay tahay soo qaadashada saamiga dhaqaale ee ay ku leedahay dhaqaalaha lagu qaybsan doono shirka ee loogu talagalay dib u eegista dastuurka,taasoo dad badan ay ku dhaliileen.