Hot Topics

Shirka madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka oo Baydhabo ka furmaya

Maalinka beri ah waxaala filayaa inuu ka furmo Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG-ah maamulka Koonfur-Galbeed shir ay iskugu imaan doonaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.

Shirkan oo uu 6-dii bsihan iclaamiyay Madexweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha golaha ay ku midaysan yihiin Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,ayaa la filayaa in looga xaajoodo arimo door ah oo muhiim ah xiligan.

Madaxweynaha Puntland,Madaxweynaha Jubaland,Madaxweynaha Hir-shabelle iyo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa ilaa iyo hada la xaqiijiyay in ay kasoo qaybgalayaan shirka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xogo ay helayso idilNews waxay sheegayaan in laga yaabo in uu ka baaqsado imaanshaha shirka.

Xaaf ayaa culays kala kulmay Villa Somaliya iyagoo adeegsanaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas,waxaana si cad loogu sheegay hadii uu ka qaybgalo shirkaas in la abaabuli doono mooshin xilka qaadis loogu sameynayo.

Xaaf oo ku dooday in shirka Baydhabo uusan ahayn mid khatar ku ah Dowlada Fadaraalka ah loogana xaajoonayo arimaha horumarka dalka,ayaa walaac xoog leh soo foodsaaray mana cada imaanshihiisa shirka.

Shirka Baydhabo ee loo balan san yahay maalinka beri ah ayaa looga xaajoon doonaa qodobo ay ka mid yihiin:-

1.Fatahaada wabiga Shabelle ee khasaaraha xooga leh dhaliyay.

2.Arimaha dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ah.

3.Isfahan waaga soo kala dhexgalay dowlada Fadaraalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qayb ka ah madaxda shirka imaanaysa ,ayaa xili uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo maruu kasoo laabtay safar uu dibada ugu maqnaa waxuu sheegay in dowlada Fadaraalka la jifo noqotay dowlada Qadar,isla markaana Jubaland ahaan haday noqoto Imaaraadka iyo Qadar ay u wanaagsan tahay xiriirka Imaaraadka Carabta,sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dowlada Fadaraalka ku eedeeyay in ay gacan dhaaf ku samaysay oo ay daaqada kasoo gashay Jubaland mar uu si gaar ah uga hadlayay arinta Gobolka Gedo.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha madasha ay ku midaysan yihiin dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah waxuu si cad u sheegay in dowlada Fadaraalku ku khaldan tahay xiriirka xumaaday ee Imaaraadka,isla markaana Puntland aysan xiriirka u jarayn Imaaraadka muhiimna u yahay xiriirkeedu.

Madaxweyne Gaas waxuu dowlada Fadaraalka ku eedeeyay in ay dalkii oo idil ka dhigtay Muqdisho iskana ilawday dalka intiiisa kale waxuuna yiri isagoo ka hadlaya arinkaas”Somaliya Muqdisho mahan,Muqdishona Somaliya mahan”..

Jibril Qoobey.