Hot Topics

Taliska AFRICOM Oo baaraya weerarkii Bulcida ee khasaaraha shacab dhaliyay

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb galeen howlgal ay ciidamada Soomaaliya hoggaaminayeen oo lagu kala dhantaalay shabakad Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcida  9-kii May.

“Waxaa jira tuhun ku saabsan in dad shacab ah wax ku noqdeen waxaana warbixinnadan u qaadaneynaa si dhab ah. Waynu eegi doonaa akhbaaraadka ku saabsan dhacdadan, haddii aan helno in eedeymahan ay yihiin kuwa sax ah, waxaa taliska AFRICOM uu qaadi doonaa tallaabooyinka xiga ee ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda Gaashanadhigga Mareykanka ay ka go’an tahay inay ka hortagto halista argagixisada dunida, ayna taageeri doonto dalalka gobolka ee arrintana awoodda u leh. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in taliska AFRICOM uu ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom kula midoobay ka hortagga argagixisada.