Hot Topics

Wakiilka Qaramada Midoobey Micheal Keating Oo gaaray caasimada Puntland Ee Garowe

Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimada dowlada Puntland.
 
Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.
 
Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.
 
Qaramada midoobey iyo dowlado ya kamid yihiin Maraykanka iyo Itoobiya,ayaa Puntland cadaadis xoog leh ku saaray in aysan talaabo Milatari uga jawaabin gardarada Somaliland ay ugu soo xadgudubtay dhulka Puntland.
 
Beesha caalamka oo arintan horay usoo faragalisay ayaa waxaa ku dhaga adkaaday Madaxweyne Biixi ee Somaliland,taasoo sababtay in xiriirkii Somaliland iyo beesha caalamku xumaado ,isla markaana ay go’doon diblomaasiyadeed ay gasho Somaliland.
 
Beesha caalamka ayaa Puntland ku amaantay masuuliyada ay muujisay iyo qadarinta codsiga beesha caalamka,.
 
Dhanka kale khilaafka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ayaa ah mid cirka siku sii shareeriya maalinba maalinta ka danbaysa.
 
Beesha caalamka ayaa fahansan halka khaladku ka imaanayo waxayna umuuqataa in ay garowshiiyo u hayso dooda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.
 
Dowlada Fadaraalka ,ayaa waxaa gacanta ku dhigay hogaaminteedii kooxo diimeed wata ujeedooyin guracan oo baalmarsan danaha dalka iyo dadka Somaliyed.