Hot Topics

Madasha Uu ka qabsoomayo shirka Baydhabo Oo la diyaariyay iyo madaxdii Oo kusoo wajahan saacadaha soo socda

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemaya soo dhaweynta iyo qabanqaabadii ugu dambeysay ee Shirka Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.
 
Ammaanka Magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana goobta shirku uu ka dhacayo ku sugan ciidamo loo diyaariyay suggida Amniga.
 
Madaxweynaha Koonfur-Galbeed ayaa booqday goobta Shirka lagu qabanayo.
 
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay gaaraan Baydhabo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka Somaliya.