Hot Topics

Danjire Keating Oo ku guda jira dadaalkiisii daminta colaada Tukaraq Oo Hargaysa ku wajahan

Danjire Michel Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta Gaaro magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.
 
Danjire Keting oo Shalay booqday Puntland kulana la qaatay Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale maanta kulan la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale.
 
Danjire Keating ayaa Somaliland kala soo hadli doona si lamid ah Puntland daminta Xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool oo ay wali isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
 
Keating oo shalay kula kulmay Madaxweyne Gaas qasriga madaxtooyada dowlada Puntland ee Garowe,ayaa ujeedka hadalkisa waxaa ugu weynaa xiisada Tukaraq,
 
Ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu ugu horaynba Keating hor dhigay su’aal ahayd ”meeday nabadii aad 3-bilood ka hor aad tiri waa keenayaa ee aan kugu xushmaynay”sida xogtu sheegayso Danjire Keating ayaa jawaab cad u waayay su’aasha Gaas waxuuna markii danbe hadalkiisa kusoo koobay in uu Hargaysa usocdo jawaab cadna Puntland soo siin doono.
 
Sidoo kale Keating waxuu markale Puntland ka codsaday in ay sii wado dulqaadkeeda iyo masuuliyada ay muujisay aysana ku deg degin dagaal ay hada la gasho Somaliland.
 
Ciidamada Puntland oo diyaar garow xoog leh ku jiray waayihii danbe oo dhan ,ayaa wararka hada laga helayo Taliska Daraawiishta waxay sheegayaan in Puntland ay markan diyaar u tahay dib uhanashada dhulkeeda ayna suurtagal tahay in maalmaha soo socda ay talaabo qaado.