Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo oo ugu anba baxaya dalka Qadar socdaal khatar ku wareegsan tahay

Madaxweynaha dowladada fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa saakay ku wajahan Magaaladda Doha ee dalka Qadar.
 
Waftiga Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo XIldhibaano ka Tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna dalkaas ku joogi doonaan booqasho labo maalmood qaadan doonta 13/14 May.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaaladda Doha kula kulmi doona Amiirka dalkaas Shiikh Tamim bin Hamad al-Thani,waxayna kawada hadli doonaa xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii loo fulin lahaa Mashaariic Dowladda Qadar ay balanqaaday sanadkii hore.
 
Dhanka kale ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in socdaalka Madaxweynaha ee Qadar uu salka ku hayo sidii uu dhaqaale ugu soo heli lahaa la dagaalanka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.
 
Maalmo ka hor waxaa gaaray Doha Fahad Yaasiin iyo koox uu wato kuwaasoo hordhac u ahaa waftiga Madaxweynaha.
 
Kadib ku adkaan shihii ay kooxda Nabad iyo Nolol ee uu hogaamiyo Fahad Yaasiin oo lagu tilmaamo xiligan Madaxweynaha dadban ee Somaliya ay ku adkaatay gacan ku dhigida Gudoonka Baarlamaanka Fadaraalka,ayaa waxay xoguhu sheegayaan in qorshahooda labaad yahay gacan ku dhigida hogaaminta dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka ah si ay ugu sahlanaato burburinta nidaamka fadaraalka ah oo ay u arkaan mid iyaga khatar ku ah.
 
Dowlada Qadar ayaa si qaawan dhaqaale ugu bxisa fulinta arimahan oo dhan waxayna gacan muuqata ku leedahay arimaha ka socda Muqdisho.
 
Qadar waxay horay u taageeri jirtay ilaa iyo hadana gacan siisaa kooxaha argagixisada ah ee u taagan xasuuqa shacabka Somaliyed sida Alshabaab iyo Daacish.sida ay xaqiijiyeen ilo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo.
 
Villa Somaliya ayaa iyaduna isu badashay Xaafiis uu ku leeyahay Geeska Africa sirdoonka dalka Qadar.