Hot Topics

Wasiir Iyo Wasiir Ku-xigeen Lagu Dhaariyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Hortiisa

Waxaa maanta maanta oo ay taariikhdu tahay 13 May 2018 qasirga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Daahir Xaaji Khaliif iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Caasimada Garoowe  ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo Wasiirada maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  hortiisa.

Wasiirada maanta la dhaariyey oo lagu magacaabay Digreeto kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha taariikhdu markay ahayd uu malin nimadii shalay ahayd 12 May 2018, ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si xilkasnimole ay ugu adeegaan shacabka ay xilalkani uqabteen, isla markaana ay ka dhawr-soonaadaan wax walba oo shaqadooda hakad gelinaya, kana hor joogsanaya dardargelinta hawlohooda wasaaradaha ay ka hawl-geli doonaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey in labadani masuul ee maanta loo dhaariyey xilalka Wasiir iyo Wasiir Ku-xigeen loog baahan yahay in ay ku hawl galaan siyaasada dawladda ee  Puntland Ha isku tashato, iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay in dalka uu ka socdo horumar lixaadle oo lagu taaba-gelinayo kor u kicida dhaqaalaha iyo mashaariicda horu marineed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay masuuliyiintani inay si daacad ah ugu adeegaan dadkooda iyo dalkoobada, kana soo baxaan shaqada loo dhaariyey ee ah inay u adeegaan shacabkooda, dalkooda, iyo Diintoodaba.

=DHAMMAAD=