Hot Topics

Video:-Dhismaha Dekeda Garacad oo dhawaan la dhagaxdhigi doono

Xaqiiqdii waa riyo hirgashay in Garacad yeelato Dekad.

In badan ayay ku taameeyeen shacabka Puntland in ay dhistaan deked labaad oo qayb ka qaadata horumarka.

Dadaal dheer oo ay galeen ganacsatada,waxgaradka,iyo dowlada waxay ku guulaysteen in ay hirgaliyaan riyadaas.

Garacad waxay mudo dhow yeelan doontaa Deked casriya oo sida la filayo noqon doonta mida ugu weyn Bartamaha Somaliya,sidoo kale Puntland unoqon doonta Deked labaad .

Shirkada TTN ee laga leeyahay dalka Turkiga,ayaa ku guulaysatay tartankii qandaraaska waxayna hada bilowday in ay qalabkeedii usoo daabusho Garacad.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Dekeda Garacad ,ayaa gaaraya (Afartan iyo sagaal Milyan oo Dolar) iyadoo lacagtaas qayb kamid ah isla hadaba shirkada loo hormariyay,taasoo ay ku bilaabayso wajiga koobaad.

Madaxweyne Gaas ayaa dhagax dhigi doona bilowga dhismaha Dekeda Garacad maalmo kadib marka uu kasoo guryo noqdo shirka muhiimka ah ee Baydhabo.

Hoos waxaad ka daawan doontaan muuqaal laga soo bandhigay qalabka shirkada dhisaysa Dekeda oo qayb ahaan soo gaaray Garacad iyo waxgaradka Gobolka Mudug oo goobta jooga.

Garacad waxaa bil ka hor laga hirgaliyay garoon diyaaradeed oo ay isticmaali karaan dhamaan diyaaradaha,.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka