Hot Topics

Shirka madasha oo goordhow ka furmaya magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa maanta ka Furmaya Shirka Golaha iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.
 
Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland, Jubbaland, Galmudug Iyo Hirshabelle ayaa Shalay Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, Iyadoona halkaasi si Diiran ay ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, xubno ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee Baydhabo.
 
Shirkan oo ka Furmaya Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, ayaa noqon doona shirkii labaad ay yeeshaan Madaxda Dowladaha xubnaha ka dowlada fadaraalka, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo, Iyadoona Ciidamo Fara badan Lagu Daadiyay Waddooyinka Magaalada iyo Banaankeeda.
 
Ajandayaasha Shirkan looga Hadlayo ayaa lagu Sheegay inay yihiin
 
1.Xaalada Ammaan ee Dalka
 
2.Siyaasadda Dowladda fadaraalka ee ku Wajahan Khilaafka Khaliijka
 
3.Xiisada Dublomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Iyo Imaaraadka Carabta
 
4.Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.
 
5.Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha argagixisada ah.
 
 
 
Kala soo warka ugu danbeeya shirkaas idil News