Hot Topics

Video:-Qarax ismiidaamin ah Oo markale ka dhacay dalka Indonesia

Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.
 
Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
 
Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.
 
Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.
 
” Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Joko Widodo.
 
Jahawareer hareeyay furitaanka garoonka Bali ee Induniisiya
Jasiiradda Bali ee dalka Induniisiya oo halis ugu jirta Folkaano
Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay.
 
Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka