Hot Topics

Khaliif Ciise Mudan Oo noqday musharaxii ugu horeeyay Ee booqda Ciidanka Difaaca Puntland

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaaray jiida hore ee dagaalka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Difaaca Puntland iyo Maleeshiyada Muuse Biixi ee Jeegaanta musharax Khaliif Ciise Mudan.

Musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa noqday musharaxa kaliya ee ilaa iyo hada booqday jiida hore ee dagaalka Sool,isagoo kasoo kicitimay dalka Kenya gaar ahaan caasimadiisa Nairobi oo uu ku sugnaa xiligii dagaalku ka bilowday Gobolka Sool.

Khaliif ayaa ah Sarkaal ciidan oo taariikh halagan ku dhex leh Puntland,isla markaana soo noqday Wasiirka Amniga iyo Talyaha Ciidamada Badda Puntland dowladihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Madaxweyne Faroole.

Booqashada musharax khaliif Ciise Mudan ee jiida hore ee dagaalka,waxay dhiirigalin weyn u tahay  Ciidanka difaaca Puntland ee ku guda jira hawlgalka dib u xoraynta laascaanood.