Hot Topics

Waa sidee xaalada jiida hore Ee dagaalka Maanta?

Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas,oo ay goobjoog ka ahaa yeen saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland,Xildhibaano iyo golaha Wasiirada qaarkood aya aka dhacay qasriga madaxtooyada ee Garowe.i
 
Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xirnaayeen loogana xaajoonayay xaalada dagaalka Sool iyo qorshaha Ciidan ee Puntlland,ayaan ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogayn qodobada iyo qorshaha laysla qaatay,balse guud ahaan waxaa muuqata in Puntland ay ka go’an tahay dib u xoraynta Gobolka Sool.
 
Kulankaas ka dhacay Qasriga Madaxtooyada kadib,waxaa sidoo kale kulan kale ka dhacay jiida hore ee dagaallka ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland.’
 
Saraakiishii ka qeyb gashay kulankan danbe qaar kamid ah oo ay xiriir la samaysay idil News,ayaa sheegey in ay isla falanqeeyeen qorshaha dagaal iyo sdii horay loogu sii socon lahaaa,waxayna saraakiishaas xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay soo celinta Sool.
 
Dhanka kale waxaa wali kusii qulqulaya jiida hore ee dagaalka gurmad ka kala imaanaya fariisimada Ciidamada Difaaca ee Gobolada kala duwan ee Puntland.
 
Xaalada deegaanka Sool,ayaa ah mid degan kadib laba maalmood oo uu dagaal kharaar ka socday halkaas,waxaase ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in maalmaha soo socda la filan karo dagaal kharaar oo xoog leh.