Hot Topics

Sarkaalkii sideedaad Oo ka geeriyooday maamulka Jeegaanta Ee Muuse Biixi

Waxaa ku geeriyootay dalka Itoobiya ,gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa isbitaalka sarkaalkii Sideedaad ee maamulka Jeegaanta.

Cawaale Axmed Galaal oo ahaa hogaankii hawlgalinta Ciidamada Badda maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi,waxuuna kamid ahaa saraakiishii sida culus ugu dhaawacantay dagaalkii Tukaraq ee loo qaaday itoobiya.

Waa Sarkaalkii Sideed ee Maamulka Jeegaanta kaga geeriyooday dagaalkii gardarada ahaa ee ay soo qaadeen.

Maamulka Jeegaanta ayaa ku waayay dagaalkaas saraakiil muhiim ah oo uu ku jiray Talyihii Ciidamada maamulkaas ee Dagaalka iyo in ka badan 62-Askari oo dhimasho ah iyo dhaawac 132-Askari oo kale..