Hot Topics

Xildhibaanadii loo hanweynaa ma waxay noqdeen ganacsato Codeed’.

Waxay noqdeen oo Xamar looga yaqaan ku buuxso booska.

Siyaasigii maalinkaa qorshe leh ayaa awrkiisa ku kacsada intuu san dareero uqaybiyo.

Xildhibaanada Puntland kasoo jeeda ee heer fadaraal waa kuwo aan utaagnayn wax qadiyad ah haba yaratee,waana kuwa ugu liita guud ahaan Xildhinaada fadaraalka Somaliya.

Iskuma xirna iyagu,isku dana mahan,dan kooxeed iyo ujeedo siyaasadeedna uma taagna,kaaga sii daraee dan guud oo Somaliyed uma taagna.

Waa Hal qalabsi midba meel qado ka raadsado waagii baryam,qaarna waa mayeeraan ilmadow ah oo darbiyada iska fadhiya..

Markaan tusaale usoo qaato midi ka mid ah Xildhibaanada ku matala Puntland Baarlamaanka Fadaraalka waa Xildhibaan Xuubsireed oo laga soo doortay Gobolka Mudug Puntland.

Markii olalihiisa lagu guda jiray waxaan islahayn maantaad hesheen Nin dhalinyaro ah oo u istaagi kara danaha deegaankiisa iyo danaha qaran.

Nin kumatali kara Puntland masraxayada Somali weynta si karaamo leh.

Nasiibdaro waxuu noqday mid kasii liita kuwii hore oo kuba filnaa in ay qayliyaan mararka qaarkood haday rabaan dantooda haka dhex arkaan,

Asal madoorshe aan wax saamayna lahayn ayuu si rasmi ah unoqday.

Waxaan soo xasuustay subaxii loo olaynayay Nin masuul ahaa oo yiri armaad udarsataan Cabdiqani Orhaye oo ahaa siyaasi masraxa ku jiray xiligaas lana tijaabiyay isla markaana ay dadku udiidanaayeen in uu Puntland ku matalo heer Fadaraal.

Xuubsireed waa mid ka mid ah 140-ka Xildhibaan ee kooxda hagardaamo Qaran sida goonida ah ay usiiso mushaharka gaarka ah e gaaraya 3000 ee dolar.

Waa Ninkii qaybinayay lacagtii 5000 oo dolar ahayd ee ay kooxda hagardaamo qaran uqaybinaysay Xildhibaanada Fadaraalka maalmo ka hor,lacagtaas oo ahayd mahadnaq looga mahadnaqayay Xildhibaanada codka ay siiyen Gudoomiyaha ay wadatay kooxda hagardaamo qaran ee Fahad Yaasiin.

Waa Nin aan dan iyo heelo ka lahayn baahiyaha deegaankiisa,qadiyadaha deegaankiisa,danaha deegaankiisa ,taa badalkeedana waxuu baayactamay masiirka deegaankisa.

Xasuusnoow kaligii mahan ee guud ahaan Xildhibaanada Puntland ku matala Fadaraalka ayaa ubatay sidaas.

Isku soo wada duuboo Xildhibaanadii loo han weynaa waxay noqdeen ganacsato ka shaqaysata siyaasigii ama kooxdii Cod ubaahan.