Hot Topics

Farmaajo waxuu khatar ku yahay ilaalinta midnimada iyo qaranimada Somaliya

In Madaxweyne Farmaajo Puntland lasoo xiriiro kuna dirqiyo in aysan is difaacin ee ay tanaasusho.

In Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo Jeegaanta waxay rabto ayaan usamaynaynaa si Nabad loo helo.

In Madaxweyne Farmaajo uu yiraahdo waxaan Jabuti kula kulmayaa Muuse Jeegaan.

Madaxweyne Farmaajo waa diiday in uu Puntland dhagaysto,isla markaana tixgaliyo xaqa waxay uleedahay.

Madaxweyne Farmaajo mahan Nin la socda waaqiciga dalka,sidoo kale mahan Nin xog ogaal ah.

Madaxweyne Farmaajo waa Nin jilicsan,balse niyad wanaagsan aan siyaasi ahayn calaamadahaas uu leeyahay waxaa uga faa’idaystay koox yar oo uu hogaamiyo Fahad Yaasiin kuwaasoo hadba waxay iyagu dan u arkaan ama hadba qabiilka ama kooxda ay ay colaad u hayaan utusa qaran dumis iyo Dad khaldan.

Hada waxay ku guulaysteen in ay Puntland kusoo jiheeyaan Farmaajo.

Puntland waxay ku khasban tahay in ay ka hor timaado aragtida foosha xun iyo indho la’aanta kooxda hagardaamo qaran ay kusoo shubeen Madaxweynaha qolka ugu xiran.

Puntland waxay qayb weyn ka qaadatay doorashadii Farmaajo,isla markaana markii la doortay way soo dhawaysay oo bogaadisay.

Puntland waxay la garab istaagtay hiil iyo hooba Madaxweyne farmaajo,waxayna unoqotay deegaan uu ku xisaabtamo looga baqo oo xoojisay hogaamintiisa.

Puntland waxay Farmaajo ka saartay oo ggarab ka siisay siysaado dhiiqo badnaa oo ay dhex istaajiyeen kooxda haysata ee hagardaamo qaran mana sii tixgalin doonto hada waxii ka danbeeya aragtida liidata ee Madaxweynaha Fahad ka qaalib yeeshay.

Dowlada Puntland waa qaangaar xog ogaal ka ah siyaasada Geeska africa guud ahaan ,iskagana filan la goos goosiga kooxda hada haysata Villa Somaliya ee hagardaamo qaran.

Jibril Qoobey.