Khayre oo guuldaro kala soo kulmay safarkiisii Adis-ababa

Dhamaan arimihii uu la hor tagay mudane khayre Ra’isalwasaaraha awooda badan ee Itoobiya Attoo Abiye waa laga diiday.
 
Qodobada laga diiday ee uu Khayre la shir tagay waxaa ka mid ahaa:-
 
1.In Itoobiya ay ka baxdo heshiiska Berbera.
 
2.In Axmed Madoobe wada shaqayn umuujin waayay dowlada Fadaraalka.
 
3.in In guud ahaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah aysan xiriir toos ah la yeelan .
 
4.In Dowlada Fadaraalka Itoobiya ay toos ula xiriirto Dowlada Fadaraalka Somaliya.
 
Dhamaan arimahaas uu la hor tagay Khayre Ra’isalwasaare Abiye waa kugu gacansayray waxaana loo sheegay in siyaasada arimaha dibada Itoobiya ay tahay mid indhofuran lana socota waaqiciga Geeska Africa,isla markaana Somaliya ay tahay dal ubaahan in si taxadar leh loo wajaho.
 
Somaliya waxay ubaahan tahay si ay cagaheeda dib ugu istaagto isu dulqaad,isu tanaasul iyo is dhagaysi”ayuu yiri Ra’isalwasaare Abiye mar uu la hadlayay ra’isalwasaare Khayre kulankoodii Adiis-ababa.
 
Socdaalkii aan qorshaysnayn ee Fahad Yaasiin uu ugu kaxeeyay mudane khayre dalka Itoobiya waxuu kusoo idlaaday guuldaro.
 
Dowladnimadii Somaliya waxay ugacan gashay koox aan dal iyo Dad dan ka lahayn oo uu hogaamiyo Wiilka xariifka ku ah la xiriirida sirdoonada caalamiga ah.
 
 
 
Jibril Qoobey.