Hot Topics

Weerarada iyo dilalka qorshaysan oo kusii badanaya Magaalada Muqdisho

24kii Saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo qof ka mid ah uu ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Dilalkan ayaa waxaa mas’uuliyaddooda sheegta kooxaha argagixisada ah ee alshabaab iyo Daacish.
 
Dilalkii ugu dambeeyey ee dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Muqdisho,ayaa siyaabo kala Duwan u dhacay
 
Qof ka mid ah dadka la dilay Waxaa la sheegay inuu ahaa Macalim Dugsi Qur’aan halka qofka kalane la sheegay inuu ahaa halible aad looga yaqaano Degmada.
Sidoo kale Dagaal ayaa ka dhacay xaafadda Buulo-maaxaay ee degmada Heliwaa, waxaana la sheegay inuu ka dhashay markii ay maleeshiyo xaafadaasi ku sugan ay dhaawaceen darawal Mooto Bajaajle ah, kadibna markii ay u soo gurmadeen Maleeshiyada dowlada taabacsan ay labada dhinac is rasaaseyn ku dhex martay halkaasi.