Farmaajo qabyaaladiiste mahan hayga harto!!W/Q :Bashiir m.hirsi

Saddax habeen ayaa Kismaayo lagu martigeliyey. Maamul kale, oo intaa uu joogay ma jiro, marka laga reebo, socodkii tamashalaha, dalxiiska iyo nasashada ahaa, ee uu ku tagay Puntland iyo Galmudug.

Shaahaa uu habeen cabkiisa macaansaday, waa Formaajoo fudeyd ayaa wax walba dhaafinayee, wuu garan waayey, in uu aragtida qabyaaladdda uusan ka la qaadin, oo Kablalax iyo Sade ka la finjilin, ee kuu wado DAAROODEYNTA.

Qofka ku yiraa; Formaajo qabyaalad ma yaqaan, keliya waxaad weydiisaa; waxa ka socda Jubbaland! Markaa ayaad ogaan, in qabyaaladdu lafaha iyo dhuuxa uga jirto.

Hadda wuxuu joogaa Nayroobi, oo uu Keenyaatiga labo midkood ka baryayaa 1- in ay la ridaan Axmad Madoobe (oon suuragal ahayn!) 2- ama in ay waanwaan dhexdhigaan. Is ku ma filna, mana fiiro dheero.

Dhawr habeen ka hor, waxaa codsiga hore ku soo hungoobay Fahad Yaasiin, oo Addis Ababa u tagay, in ay Xabashida taageero uga helaan, in ay xilka ka xayuubiyaan Axmad Madoobe!

Galmudug waxaa loo diray Casir iyo Carrabeey, oo aragtiyo gurracan loo dhiibay, in kasta oo aysan Cadaado ka helin maamuus, oo loo diiday, in ay degaan madaxtooyadii ay hore uga shaqayn jireen, hadda mar kale ayey Xamar soo aadeen natiijo la’aan.

Hadda iyo dan; saddax xagalka SHARTA (Fahad, Formaajo iyo Kheyrre) ha gartaan, ma garanayaane ha loo sheego, dumin ammin unbaa uga dhumayo, oo sanad bar baa dhammaaday, waxna ma qaban mana qabsane, aragti kale ha keenaan.

F.G: intiinna si fiican ii taqaan, waad ogtihiin, in aan Axmad Madoobe wax badan ka qoray, haddana, qof awood dawladeed qof kale ku dhibaya haddaad aragto, asoo qabiil dabata ku wata, waxaad ogaataa, marka uu kaa ka soo dhammado, in uu adiga kugu xijin doono.

Wax la arag, waxna laaban!

W/Q :Bashiir m hirsi