Hot Topics

Video:-Alshabaab oo markale kala kulmay Puntland jab aysan kasooo kaban doonin

Ciidamada difaaca Puntland (PSF) hawlgal ay qaadeen kadib markii Maleeshiyada Alshabaab ay weerar gaadmo ahaa kusoo qaadeen fariisinka 20-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ,gaar ahaan kuwa Badda ee (PMBF) ay ku leeyihiin Buuraha Galgala Baliga loo yaqaan Bali-Khadar ayay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen cadowga argagixisada ah ee Alshabaab.

Ciidamada oo isticmaalayay tababarkooda sareeya iyo qalabkooda u dhamaystiran waxay dhawr jiho kaga yimaadeen Maleeshiyada argagixisada ah.

Dagaal socday dhawr Saacadood oo aan waxba laysku reeban,ayaa kusoo gabagaboobay jab iyo naasa beel lagu dhigay argagixisada Alshabaab.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa guud ahaan maleeshiyadii aragixisada ee soo duulaan tagtay oo ugu yaraana gaaraysay 122-Xubnood ka dhigay waxay dileen iyo waxay dhaawaceen.

Majirin wax ka baxsaday oo firxad ah si sugan ayaa loosoo afjaray..

Tani waa mid kamid ah guulaha ay mar walba gaaraan Ciidamada difaaca Puntland iyo jabka ay argagixisadu kala kulanto goor walba oo ay isku dayaan in ay dhibaato ugaystaan shacabka nabada iyo nidaamka jecel ee Puntland.

Sidoo kale hawlgalkan waxuu fariin kale u yahay Maamulka Jeegaanta ee soo abaabulay weerarka argagixisada Alshabaab.

Ciidamada difaaca Puntland,,ayaa soo bandhigay xogta khasaaraha ay gaarsiiyeen argagixisada Alshabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka