Hot Topics

Maleeshiyadii jeegaanta oo labo ukala jabtay dibna uga guratay Tukaraq

Caawa waxaa si weyn shaki usoo kala dhexgalay Maleeshiyada Jeegaanta iyo Maleeshiyada Ina Canbaashe .
 
Kala fogaanshahan ayaa waxaa keenay ka gadaal markii Maleeshiyada jjeegaantu ay dib u gurasho sameeyeen iskuna ururiyeen Deegaanka Ganbadhe oo qiyaastii 25-km ujira magaalada laascaanood,sidoo kale Jeegaanta ay Hubkoodii cuslaa udaad guraysteen Taliskooda Oog .
 
Saraakiisha hogaamisa Maleeshiyada jeegaanta waxay ka walwalsan yihiin hadii dagaal kale dhaco in laga awood roonaado kadibna kacdoon shacab uu kaga bilowdo gudaha Laascaanood lagana reebto Hubkooda muhiimka ah.
 
Hadaba horjooge Ina Canbaashe oo arinkaas ka caraysan ayay caawa waxay is afdhaafeen Talyaha Maleeshiyada jeegaanta Nuux Taani.
 
Wararku waxay intaa ku darayaan in labada dhinac ay laba difaac kala galeen xaalkuna aad ukacsan yahay.