Hot Topics

Video:-Madaxweyne Gaas oo u anba baxay shirka amniga qaranka Ee Baydhabo

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,ayaa unba baxay isaga iyo wafti uu hogaaminayo magaalada Baydhabo si uu uga qaybgalo shirka amniga qaranka.
 
Shirkan oo muhiim ah dib u dhiska Ciidamada Qaran ee Somaliya,ayaa baaqday dhawr jeer oo hore kadib markii ay ka gaabiyeen madaxda Fadaraalku in ay ku qanciyaan madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah kasoo qaybgalkiisa.
 
Shirkii Brussels ee looga xaajoonaay dib u dhiska Ciidamada Qaranka Somaliya oo ay taageerayso beesha caalamka,ayaa shuruud looga dhigay in Somalidu la timaado waxay heshiis ku yihiin.
 
Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa walaac xoog leh ka qaba hab dhaqanka madaxda Fadaraalka iyo qaybasho la’aanta deeqaha loogu talagalay amniga Somaliya ee iskugu jira saanada Milatari,tababarada iyo dhaqaalaha,kuwaa soo kusoo dhaca gacanta Dowlada Fadaraalka.
 
Ajandaha shirka looga xaajoonayo oo idil News si hor dhac ah usoo gaaray ayaa qodobadiisa waxaa ka mid ah:-
 
 
1. Dhameystirka Qorshaha Aminga Qaranka.
 
2. Dood dhismaha iyo isku dheelitirka CXDS.
 
3. Qeybsiga hubka iyo Agabka caalamku ku deeqay.
4. Ansixinta wadaagga kheyraadka dalka sida macdanta iyo shidaalka.
 
5. Nidaamka dooroshooyinka 2020.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka