Hot Topics

Video:-Xeer ilaaliyaha qaranka oo udigay ganacsatada dhoofisa dhuxusha

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr Axmed Daahir ayaa lagu sheegay baaritaano lagu hayo dhoofka dhuxusha ee Soomaaliya, baaritaankaas oo lala kaashanayo hay’adda booliiska adduunka ee Interpol iyo tan Afrika ee Afripol.
 
Qoraalkan ayaa fariin lagu gaarsiiyay ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka baaqsadaan dhoofinta dhuxusha si toos ah iyo mid dadbanba, iyada oo looga digay in dhoofka dhuxusha uu yahay fal dambiyeed kusoo baxay qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeedba.
 
Ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee ay ka midyihiin kuwa badaha waardiyeeya iyo AMISOM ayaa lagu dhiirogaliyay in ay u indho furnaadaan gaadiidka badda iyo kan dhulka ee dhuxusha lagu daabulayo, xitaa haddii dhuxushaasi aysan ka imanin Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka