Hot Topics

Video:-Wasiirka maaliyada Puntland Oo iska beri yeelay Eedayntii Xisaabiyaha la eryay

Wasiirku wuxuu beeniyay eedaymihii uu soo jeediyay Xisaabiyihu, isagoona sheegay in xisaabiyaha la doonayo wixii uu ku hadlay Caddayntooda. Xisaabiyihii Gobolka Mudug oo maanta is casilay, wuxuu sheegay inuu musuq maasuq ka jiro Wasaarada Maaliyadda Puntland.

” Waxaan shacabka iy dowladda Puntland la socodsiinayaa in xisaabiyihii hore ee gobolka udug ku guul daraystay shaqadii loo igmaday, sida ku cad Dekeratoo Lr W/WM/DGPL/688/2018, taasoo shaqada lagaga joojiyay, kuna wada cad yihiin xil-gudasho la’aanta xisaabiyihii hore” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirku, wuxuu kaloo uu been abuur ku tilmaamay  Akoon uu xisaabiyuhu sheegay inuu Wasiirku ku leeeyahay Bangiga Dahabshil qaybtiisa Qardho, isagoo wasiirku sheegay in maamulka Bangiga Dahabshil looga baahan yahay inuu cadeeyo oo ka hadlo akoonkaasi uu sheegay inuu been Abuur yahay.

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay xisaabiyaha inuu ku maqantahay lacag dhan 99,000 (Sagaashan iyo Sagaal kun oo Dollar) oo ahayd musharkii Ciidamada Daraawiishta gobolka Mudug, oo wasaaradu ku dirtay shirkadda Dahabshiil oo uu kala baxay Xisaabiyaha,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka