Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sii daayay Maxaabiis fara badan

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),ayaa cafis u fidiyay ku dhawaad 50-maxaabiis oo ku jiray Xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.
 
Maxaabiistan oo dhamaantood Rag ahaa ayaa loo haystay dambiyo kala duwan laakiin madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u fidiyay cafis iyadoona laga siidaayay xabsigii ay ku xirnaayeen.
 
Waxaa wali jira maxaabiis kale oo ku jira xabsiyada ku yaala deegaanada Jubaland uu ka arimiyo.iyadoo ay socoto dib uqiimayn ay wasaarada cadaalada jubaland kuwado xaalada Maxaabiista ku xirna Xabsiyada.