Hot Topics

Video:-Xuska 26-ka Juun oo si weyn loo maamuusay

Madaxweynaha JF Soomaalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaasi lagu maamuusayay 58 guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay Xorriyadda ka qaateen Gumeysigii Ingriiska 26-ka Juun 1960-kii.

Munaasabadaas Ubax dhigga aheyd ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqatay farxadda ciidda xorriyadda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirro, Xildhibaannno iyo Xubno ka tirsan Ciidamadda baandeyda.

Dadweynaha isaga kala yimid qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si raxan raxan ah u socday, iyagoo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka, calanka jamhuuriyadana gacanta ku haya ayey taalada daljirka daahsoon soo gaarayeen, si ay uga qeyb galeen xuska 26-ka Juun, waxeyna iskugu jireen dadweynuhu Ardeyda waxka barata iskuulaadka muqdisho iyo Ururda Bulshada.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad