Hot Topics

Video:-Wafti sare Oo ka socda Boqortooyada Imaaraadka carabta oo soo gaaray Puntland

Wafti heerkiisu sareeyo oo ka socda Boqortooyada Imaaraadka Carabta,ayaa soo gaaray Puntland.
Waftigan oo uu hogaaminayo mid ka mid ah Amiirada dalkaas,ayaa booqasho dhaqan ku yimid Puntland,isagoo kula kulmay xarunta dhaqanka Puntland ee Qardho Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
 
Boqor Burhaan ayaa waftiga si maqaam sar leh usood haweeyay kadibna usameeyay qado sharaf iyo dalxiis maalin joog ah oo lagu geeyay Beerta Boqorka ee duleedka Qardho.
 
Sidoo kale waftiga Carbeed waxay ugudbeen xarunta labaad dhaqanka Puntland ee Badhan fariisinkana u ah Saldanada labaad ee ugu faca weyn Saldanooyinka beelweynta Daarood.
 
Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Suldaanka beelweynta Maxamuud Harti,ayaa waftiga si weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Badhan.
 
Booqashada waftiga Carbeed ee Puntland ayaa muujinaya halka uuu gaar siisan yahay xiriirka dhalasho,dhaqan iyo dhaqaale ee Puntland iyo Umadaha Carbeed.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka