Hot Topics

Alshabaab oo qarxiyay Buundo muhiim ah OO ku taalay Gobolka Shabeelada-Hoose

Maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Buundo muhiim u aheyd marinka iyo isku socodka dadweynaha oo ay qarxiyeen Al-shabaab.
 
Buundadan la qarxiyay ayaa la sheegay in ay muhiim u aheyd isku socodka deegaannada Qoryooley, Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Shabeellada-Hoose.
 
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay.
 
Waxay sheegeen masuuliyiintaa in halkaas ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowlalada.
 
Sidoo kale masuuliyiinta Maamulka Shabeelada Hoose,ayaa sheegay iyaga oo ka hortagaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley ay si deg-deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi muhiimk u ahay disku socodka Gobolka.
 
Al-Shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii ay ku xireen miinooyin, waxaana buundooyinkaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Shabeellada hoose,