Hot Topics

Gudoomiyaha Shabeelada-Hoose Oo beeniyay in Dhaawac kasoo gaaray Qaraxii lala eegtay

Guddoomiyaha Maamulka Shabeelada-Hoose Maxamed Ibraahim Barre,ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho iyo dhaawicii soo gaaray.
 
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda uu Isbitaalka ka baxay ayna jirin wax xanuun ama dhaawac Culus ah culus ah uu qabo, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya inuu soo gaaray dhaawac halis ah.
 
“Waa caafimaad qabaa hada ayaana ka sii baxayaa Isbitaalka, dhaawac maqabo ee firirka Muraad ka soo dhacday Gaarigii aan saarnaa ayaa isha hoosteeda iga garaafaysay hadana wax dhib ahna ma qabo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada-Hoose.
 
Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha iyo 7-ka mid ah Ciidamadii la socday Waftigaasi,sidoo kale hal Askari,ayaa ku dhintay Qaraxaasi.sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Shabeelada-Hoose.