Hot Topics

Safiirka Itoobiya”Sii daynta Qalbidhagax waxaa lagu sharfayay Dowlada Somaliya”

Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas.
 
“Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin.
 
Dhinaca kale Safiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal si qaldan loo fasiray, kaasoo ahaa hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed ee ahaa in la mideynayo labada dal, waxaana uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin labo dal oo la mideynayo, balse ujeedada tahay sidii dhaqaalaha labada dal loo mideyn lahaa.
 
Labo maalin ka hor ayay aheyd markii la xaqiijiyay in la sii daayay C/kariin Qalbi Dhagax, kaddib markii bishii August ee sanadkii hore ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyay dowladda Itoobiya.
 
Hadalka safiirka Itoobiya ee Muqdisho u fadhiya,ayaa dadka wax odorasa waxay u arkaan mdi xaqiiqda aad uga fog,isla markaana uu yahay qorshe Dowlada Muqdisho looga fududaynayo culayska iyo wajigabaxa ay ka soo gaaray  dhiibsitii Qalbidhagax ee Itoobiya.