Hot Topics

Dowlada Itoobiya Oo ka saaraysa Liiska Argagixisada Ururo ay ku jiraan….

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar looga codsanayo in Liiska Kooxaha Argaxisada ah looga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7, oo kamid ah Ururada mucaaradka ku ahaa dowlada Itoobiya.

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa horey u ansixiyay in cafis loo fidiyo Ururada iyo shaqsiyaadka loo heestay in dambi qaran galeen , waxa ayna Wasiirada sidoo kale meel mariyeen qaraar looga saarayo liiska argaxisada kooxahan ka dagaalama Itoobiya.

Go’aankan kasoo baxay Xukuumada Itoobiya ayaa ah mid lagu doonayo in lagu soo afjarto colaada dalkaasi qeybo kamid ah ka aloosneyd, waxa ayna dowlada dooneysaa in ay heshiis la gaarto kooxaha mucaaradka ku ah dowlada ee isugu jira kuwa hubeesan iyo kuwa aan hubeesneyn.

Ra’isul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay la yimid isbadalo waa weyn, waxa uuna R/Wasaaraha doonayaa in uu wax badan ka bedelo siyaasadii xir xirneyd ee Itoobiya .