Hot Topics

Dowlada Nigeria oo dib uheshay lacag uu horay U lunsaday Jeneral Abaja

Xukuumadda Nigeria ayaa sheegaysa in horraanta bishaan ay bilaabayso in qoysaska saboolka ah ay u qaybiso lacag ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar, taas oo dhawaan ay dib usoo celiyeen masuuliyiinta dalka Switzerland, kadib markii uu lacagtaas lunsaday taliyihii militariga Sani Abacha sanadihii sagaashamaadkii.
 
Waxaa lagu wadaa in lacagtaan lasiiyo in kabadan saddex boqol oo kun oo qoys kuwaas oo bil walba lasiinayo 14 dollar qoyskiiba.
 
Dawladda federaalka ah ayaa goor horeba bilowday in ay xawisho oo ay u qaybiso lacago caddaan ah dadka saboolka ah iyo kuwa taagta daran ee ku dhaqan 20 gobol oo katirsan dalka Nigeria. Kuwaas oo ay kamid yihiin dadkii ay fallaagada Boko Haram ka barakiciyeen waqooyi bari dalkaas.
 
Barnaamijka ayaa waxaa maalgaliyey dawladda Nigeria iyo Bangiga Adduunka, kaas oo sidoo kale kormeeraya qaybinta lacagaha.
 
Dawladda ayaa sheegaysa in ay marinayso qalab lagu hubinayo in lacagtani ay tahay mid sax ah oo shaqaynaysa kahor inta aan loo qoondayn lacagtaas dib loo soo celiyay dadka saboolka ah.
 
Haddii arrintu ay u dhacday sida la doonayo, lacagtaan dib looga soo celiyay qoyska Abacha ayaa loo leexin donaa barnaamijkan.
 
Mid kamid ah shuruudaha ay dawladda Swizerland ku xirtay markii ay lacagta usoo celisay Nigeria, ayaa waxaa kamid ahaa in lagu dhimo heerka faqriga, Bangiga Adduunkuna uu dusha kala socdo.