Hot Topics

Video:-Sofiya OO la kulmi doonta Ra’isalwasaare Abiye kuna hadli doonta luuqada Amxaariga

Safiya oo ah Robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa gaartay dalka Itoobiya.
 
Boorso ay ku jiraan qaar kamid ah qalabka Robotka Safiya ayaa ku lumay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt.
 
Waxay arrintani dhalisay in la baajiyo shir jaraa’id oo maanta lagu qaban rabay matxafka qaran ee magaalada Addis Ababa sii lagu soo dhaweeyo Robokta lagu magacaabo Safiya.
 
Robotka sida qof haween loo sameeyay waxay ku hadli kartaa luqadda qaranka Itoobiya ee Axmaarik.
 
Waxaana la filaya in Robotka Safiya lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u casho la qaadan doono saddexda maalmood ee booqashada ay ku joogi doonto dalkaasi.
 
Wasiirka teknoolojiyadda iyo Sayniska Itoobiya Getahun Mekuria ayaa BBC u sheegay in Safiya ay kasoo hormuuqan doonto kulan caalami ah oo looga hadlaya arrimaha teknoolojiyadda.
 
Safiya waxay noqotay Roboktii ugu horreeyay ee la siiyo dhalashada dal kaddib markii Sucuudiga uu dhalasho siiyay sannadkii lasoo dhaafay,hoos ka daawo muuqaalka Sofiya…

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka