Hot Topics

Hoobiyayaal lagu weeraray Xarunta AMISOM Ee Xerada Xalane

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.
 
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhimashada tiro ka badan Shan ruux oo ay carruur ka mid yihiiin.
 
Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan oo sidoo kale ku dhacay isla qeybo kale oo ka mid ah degmada Wadajir.