Hot Topics

Video:-Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar “Goob shidaal laga helay buu shaqsi iska haystaa”

Waxaa jira ceelal shidaal ah oo aysan wax war ah ka hayin Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar.

Muuqaalkan oo baraha bulshada dhex socda ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota.

Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuuna yiri “gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, mooji kaasu”.

Madaxweynaha ayaa intaas sii raaciyay “haddase waa la isaga daba yimid” mana cadda waxa uu ula jeedo.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka jeediyay xaflad shidaalka loogu dabaaldagayay oo magaalada Qabridahar ka dhacday,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka