Video:-Duqa Muqdisho oo baabi’iyay heshiisyadii lagu bixiyay Jardiinooyinka

Waxaa la nasakhay dhammaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Injineer Yariisow.

Dhulka jardiinooyinka ayaa ah dhul ay dawladdu u qoondaysay in ay magaaladu ku kala neefsato, shacabkuna ku nastaan oo indhaha u roon.

Dhulkaas ayaa ku kala yaala isgoysyo badan, balse maamulladii xukuumadda hadda jirta ka horreeyay ayaa shaqsiyaad ku wareejiyay.

Dhulkaas ayaa laga dhigtay, kaalimo shidaal, makhaayado iyo dhismeyaal.

Duqa Muqdisho ayaase hadda u qabtay muddo 30 maalmood ah si ay hantidooda uga daldashaan maadaama oo la joogo wakhti aad logu baahan yahay in bilicda magaalada la soo celiyo.

Yariisoow ayaa Twitterkiisa muuqaalkan soo dhigay hoos ak daawo muuqaalkiisa.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka