Isku aadka Wareega 8-aad Ee Koobka Aduunka

Waxaa xalay la soo gabagabeeyay ciyaartii u dambeysay ee wareega 16-ka, iyadoo xulka Ingiriiska uu rigoorayaal ugu soo baxay wareegga 8-da , kaddib markii uu ka adkaaday xulka Colombia.
 
Ciyaartii dhex martay xulalka Ingiriiska iyo Colombia ayaa la isla dhaafi waayay 90-kii daqiiqo 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeraad ah, hase ahaatee wax goolal ah ma aanay iska gelin.
 
Intaas kaddib ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaa, waxaana Ingiriiska uu rigoorayaashii la dhigay ku badiyay 4 iyo 3, waxaana xulka Colombia iska lumiyeen fursad soo martay oo ay kaga faa’ideysan lahaayeen rigoore ay iska khasaariyeen Ingiriiska, balse Colombia ayaa labo rigoore isku xigtay iska khasaariyay, taasoo Ingiriiska rajadooda soo nooleysay, ugu dambeyn rigoorayaasha ku badiyay.
 
8 dal ayaa u soo gudbay wareegga Quarter Finalka ama afar dhamaadka, waxaana ay kulamada qaar ay yihiin kuwo adag oo si aad ah isha loogu haayo.
 
Haddaba wareegga 8-da waxay xulalka isugu aadeen sidan.
 
France vs Uruguay
 
Brazil vs Belgium
 
Russia vs Croatia
 
England vs Sweden