Ra’isalwasaarihii hore Ee Malaysiya Najib Razak oo maxkamad lasoo taagey

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo oogay dacwado lala xiriira fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.

Najib ayaa waxaa maanta lasoo taagay maxkamad hosoe ayada oo lagu eedeeyey saddex kiis dambiyeed oo ku saabsan inuu lumiyey kalsoonidii lagu aaminay iyo hal kiis oo musuq maasuq ah.

Najib ay shalay gurigiisa ay ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia.

Najib ayaan qiran wax dambi ah markii maanta maxkamadda la horkeenay. Waxaa lagu sii daayey damaanad ah 250,000 oo dollar, waxaana lagu amray inuu dhiibo laba baasaboor oo uu haystay.

Maxkamadeyntiisa ayaa lagu wadaa inay billaabato bisha Febraayo. Mid kasta oo ka mid ah kiisaska lagu soo eedeeyey waxa uu ku mudan karaa 20 sano oo xabsi ah.