Somaliya iyo Shiinaha oo wada gaaray heshiis kaluumaysi

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dalka Shiinaha.
 
“Waxaa maanta heshiis kalluumeysi oo hal sano ah la saxiixannay madaxa ugu sarreyo shirkadaha dibadda ee dalka shiinaha mr Davy Chen, si aan ugu faa’ideysano kheyraadka baddeena waxaanan si dhaw ula socon doonaa kalluumeysiga shirkadaha dalka shiinaha ee imaanaya dalkeenna”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.
 
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shatiyada kalluumeysiga la siinayo shirkadaha dalkaasi shiinaha ee ka shaqeeya kalluumeysiga, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan kalluunka ay soo saaraan iyo la dagaallanka shirkadaha sida sharci darrada ah uga kalluumaysta dalka Somalia.
 
Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in bisha September ee soo socota uu Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagi doono dalka Shiinaha, halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir looga hadlayo arrimaha kalluumeysiga iyo xiriirka labada dal ay wadaagaan.
 
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah,ayaa bishii hore ku gaaray magaalada Baydhabo heshiis ku saabsan wadaagga kheyraadka dalka tan iyo markaasna waa heshiiskii ugu horeeyay ay gasho Dowlada fadaraalka.