Hot Topics

Video:-Taliska Booliska Fadaraalka oo tababar ufuray Ciidanka Taraafikada Xamar

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka.

“Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka