Hot Topics

Video:-Yariisoow oo amaro kasoo saaray Xoolaha suuqayada Xamar wareega

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa digniin kama dambeys ah ka soo saaray Xoolaha ku nool magaalada Muqdisho ee wareegaya Suuqyada, Wadooyinka iyo Xaafadaha Muqdisho kuwaas uu sheegay in ey wax u dhimayaan Nadaafadda iyo Bilicda Gobalka Banaadir.
 
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Milkiilayaasha Xoolaha ee aan ka ilaalin Gudaha magaalada isagoo kula taliyay iney Guryahooda iyo xeryaha gaarka ee loogu talagalay ay ku heestaan Xoolaha ay mulkiyadooda leeyihiin.
 
Arintaan ayuu ku sheegay in ey tahay mid wax looga qabanayo Nadaafadda Muqdisho si ay usoo laabato Bilicda Magaalada oo mudooyinkii ugu dambeeyay dadaal xoog leh loogu jiray in dib loo soo nooleeyo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka