Video:-Madaxweyne Farmaajo oo booqday Magalaada dalxiiska jabuti

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hooyan doono magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka