Hot Topics

Asmara oo si weyn ugu diyaar garawday soo dhaweynta RW.Abiye Axmed

Asmara caasimada Eretereya waxaa ka socda diyaar garow xoog leh oo lagu soo dhoweynayo booqashada taariikhiga ah ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
 
Calamada labada wadana ee Eritrea iyo Itoobiya,ayaa la suray waddooyinka magaalada ,Asmara sidoo kale halku dhigyo ka turjumaya soo dhoweynta Abiy Ahmed ayaa lagu xardhay faras magaalaha Asmara.
 
Tani ayaa bilow u ah xiriirka labada dal oo bog cusub u furmay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu qaaday tallaabooyin is bedelo leh oo dhinaca Nabadda ah.
 
Wafdi sare oo ka socday Eritrea ayaa dhowaan tagay Addis Ababa, waxayna ahaayeen waftigii ugu horeeyay ee ka socda Eritrea oo booqda Addis Ababa, muddo labaatan sano ah ku siman.
 
Itoobiya iyo Eritrea waxaa u dhaxeeyay dagaal socday muddo 20 sano ah, iyagoo ku muransanaa deegaanka Badhame ee ku taala xadka labada dal.
 
Abiye Ahmed dhawaan waxuu ku dhawaaqay in Itoobiya ay aqbashay go’aankii Qaramada Midoobey ee ahaa in Degmada Badhame ay leedahay Eretereya,taasoo ahayd xuduntii khilaafka labada dal.
 
Eritrea ayaa sanadkii 1993-dii ka qaadatay xornimada dalka Itoobiya, waxaana sanadkii 1998 dhex maray dagaal socday illaa sanadkii 2000, kaasoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee soo mara Afrika.