Hot Topics

Video:-Abiye Oo ugu danbayn gaaray Asmara si weyna loogu soo dhaweeyay

Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaadhay magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa.

Dr Abiy waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaanay labada dalba ku tilmaameen booqashadaas iyo shir madaxeedkaas ba kuwo lagu soo af jari doono colaaddii mudada dheer taagnayd.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad